Tietoa karanteenista

Macluumaad loogu talagay qofka laga gaaray go’aanka karaantiilka

Waxaan ogaanay in aad u dagantahay qof uu ku dhacay cudurka fayruska Korona ee
COVID-19 sababtaas darteed ayaana karaantiil laguu geliyay. Karantiil waxaa loola jeedaa
xadaynta xorriyadda dhaqdhaqaaqa qofka caafimaadka qaba. Arrintaas waxaa looga
hortegayaa in cudur side aan calaamadaha cudurka laheyn uu dadka kale qaadsiiyo.
Go’aanka karaantiilka waxaa lagu saleeyay sharciga cudurada faafa.

Wakhtiga karaantiilka
Wakhtiga uu karaantiilku qaadanayo waxaa laguu sheegayaa marka karaantiilka lagu
geliyo. Karaantiilku wuxuu inta badan qaataa 10 maalmood oo ka billaabanaysa xaaladdi u
dagnaanshaha cudurka ee dambaysay. Karaantiilku wuxuu qaadanayaa labo todobaad
marka ay jiraan xaalado ah in qofka uu cudurku ku dhacay ay dhowr qofood guriga la
deggan yihiin. Wakhtiga waxaa laga soo tirinayaa billowga calaamadaha qofka cudurka u
jirraday ama maalinta saamiga laga qaaday qofka aan calaamadaha cudurka laheyn.

Sidee wax loo sameynayaa marka karaantiilka lagu jiro?
Inti aad karaantiilka ku jirto waa in aad iska ilaalisaa xiriirada taabashada ee dadka aan
guriga kula deganeyn. Wakhtiga karaantiilka waxaad ku qaadanaysaa gurigaada.
Bannaanka waad aadi kartaa, haddii aadan dadka kale u dhowaanayn. Ma aadi kartid
tusaale ahaan goobta shaqada, dugsiga, xannaano-maalmneedka, hiwaadaha, dukaanka
ama farmashiyaha, sababtoo ah goobahan marka la joogo waxaa adag in la iska ilaaliyo
xiriirka taabashada ee dadka kale. Marti kuuma imaan karto cuntadana waa in aad
dalbataa.

Si caadi ah ayeey u noolaan karaan dadka asxaabtaada ama kuu dhow ee aan xiriir
taabasho oo toos ah la laheyn qofka cudurka qaaday. Markaas dadka kuu dhow kuma
jiraan karaantiil, marka laga reebo dadka karaantiilka la geliyay. Ehelka ama asxaabta
qofka la karaantiilay ee aan calaamadaha cudurka laheyn ma ahan kuwa cudurka laga
qaadayo.

Karaantiilka waa in loo hoggaansamaa
Waa qasab in loo hoggaansamo karaantiilka uu amray sarkaalka cudurada faafada. Sida
uu qabo sharciga Finland, qofka jebiya amarka karaantiilka ama gooni u haynta waxaa
lagu xukumi karaa ganaax ama ugu badnaan xabsi saddex bilood ah iyadoo loo
cuskanayo jebiya ilaalinta caafimaadka, haddii xittaa uusan cudurka ku qabadsiin dad
kale.

Lähde: Helsingin kaupunki (https://www.hel.fi/static/sote/tiedotteet/asiakkaille/karanteeniohje-somali.pdf)

Peda.net käyttää vain välttämättömiä evästeitä istunnon ylläpitämiseen ja anonyymiin tekniseen tilastointiin. Peda.net ei koskaan käytä evästeitä markkinointiin tai kerää yksilöityjä tilastoja. Lisää tietoa evästeistä